MUUSE BIIXI oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee la xiriirta go’aankii shalay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto madaxweyne ku soo saaray cayimaadda muddada qabsoomidda doorashooyinka, kadib xal laga gaaray khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Shalay ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka Somaliland ay ku dhawaaqeen xilliga la qabanayo doorashada guud ee maamulka, taasi oo ay muddo dheer isku hayeen xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo midda xisbiyada ayaa deegaannada Somaliland waxay ka dhici doonta 13- bisha Novermber ee sanadkan aynu ku jirno ee 2024-ka.

Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa ku tartami doono kaliya musharixiinta saddex xisbi ee kala aha Wadani, Kulmiye iyo Ucid, halka doorashada tooska ah ee axsaabta ka qayb-geli doonaan saddexda xisbi iyo 10-ka urur siyaasadeed ee loo diiwaan-geliyay doorashada.

Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha

Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.