Xogta saraakiil ay DF u direyso dalka dibaddiisa + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dalka dibaddiisa u direysa saraakiil iyo kormeerayaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Saraakiishan ayaa dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha booliska, ayada oo maanta Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin uu xaflad sagootin ah ugu sameeyayay xarunta taliska.

Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub, Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira booliska.

Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan, sidoo kalana uga faa’iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan.

“Waa in aad ka soo faa’iideysataan aqoonta la idin soo siinayo, taasi oo la rabo in aad uga faa’iideysaan saaxiibadiina kale,” ayuu sidoo kale yiri Taliye Sulub Axmed Firin.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska ciidamada kala duwan ee dalka.

Si kastaba, Ciidamada Soomaaliya ayaa xilligaan ku jira dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo banaanka heerka awoodeed ee ciidankeenna, waxayna dowladda Xasan Sheekh qorsheynaysa in gulufkan kooxda looga xoreeyo guud ahaan dalka.