Sawirro: Wafdi culus oo ka socda EAC oo Muqdisho soo gaaray iyo Xamza oo qaabilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdigan oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka urur-goboleedka EAC ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnahan uga mahad-celiyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in deg-deg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la fal-galka Soomaaliya ee suuqa Bariga Afrika.

“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada urur-goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.

Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhowaad afar billood kadib waxay si rasmi ah oo buuxda xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Ku biirista rasmiga ah ee EAC ayaa imaneysa kadib markii ay Soomaaliya soo dhameystirtay dhamaan shuruudihii looga baahna. Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.