Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Faysal Cali Shire oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay ka da’een roobab xoogan oo dabeylo wata.
Faysal Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inay qiimeyn ay sameeyeen ay ku ogaadeen in khasaare naf iyo maalba leh ay gayseen roobabkii habeen hore ka da’ay magaaladaasi.
Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay dhimasho ugu yaraan saddex qof iyo khasaare kale oo soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ay daadku qaadeen.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay dhici karto in dhimashadu intaas kasii badato, isla-markaana ay socdaan baaritaano lagu baadi goobayo dad lagu weli lagu la’ yahay halkaasi.
Waxaa sidoo kale jira barakac xoogan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, maadaama xaafadahooda ay soo galeen biyo aad u badan, waxaana haatan soo wajahday xaalad adag.
Dhanka kale guddoomiyaha ayaa magacaabay saddex guddi oo uu u xilsaaray xaaladda Gaalkacyo, si ay gurmad ugu sameeyaan qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay waxayna kala yihiin:-
1-Guddiga guud ee xaalada daadadka iyo Xal u helida Masiibooyinka ka dhasha oo ka kooban 11 Xubnood.
2-Guddiga u gargaarka dadka go’doonsan kuwa barakacay iyo fayo-dhawrka.
3-Guddiga xal u helida biyaha iyo furida kanaaladii biyuhu mari jireen iyo biyo-booliyada.
Ugu dambey guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay dhammaan dadka gurmadka sameeyay ee ka qayb qaatay samata bixinta qoysaska ay waxyeelada kasoo gaartay daadadkaasi.