Puntland oo shaacisay tirada ciidan uga dhintay dagaalka Daacish iyo xogtii ugu dambeysay

Boosaaso (Caasimada Online) – Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kooxda Daacish, mid kamid ah dagaaladii ugu coslaa ayaa maanta dhacay, waxayna ciidamada Puntland kooxda ka xoreeyeen dhul badan.

Deegaan lagu magacaabo Tasjiic oo ku yaalla buuraha Calmiskaad ayuu dagaalkaasi ka dhacay, sida afhayeenka howlgalka ciribtirka Daacish ee Puntland Maxamuud Maxamed Axmed uu ku sheegay wareysi uu siiyey BBC.

Afhayeenka ayaa sheegay in Daacish badan ay ku dileen dagaalka dhul badana ay ka xoreeyeen, sidoo kale wuxuu qiray in ciidamada Puntland uu khasaare ka soo gaaray dagaalka.

Lix kamid ah ciidamada Puntland dhintay waxaa la kacday Miino ay Daacish la beegsatay gaari ay la socdeen.

“Annaga muhiimadeenu waxa weeye maxaa dhul laga qabsaday, maxaase khasaare la gaarsiiyey, annaga lix nin ayaa miino la kacday, intaas ayaa khasaare naga soo gaartay, laakiin iyaga dhowr iyo toban qof ayaa laga dilay, halkii ay fadhiyeenna ciidanka ayaa ka qabsaday” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Puntland.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in kooxda Daacish ay u dagaalamayaan xubno ajaanib ah oo aad u badan, kuwaas oo dalalkoodii uga soo haajiray dembiyo ay ka galeen.

“Ciidamada ku jira howlgalka la dagaalanka Daacish waxay ku guuleysteen inay xoreeyaan dhul ka badan 250 KM, saldhigyo ilaa 40 ah ayaa laga qabsaday cadowga, marka dagaalku waa socdaa, aag cusub ayuu hadda ka bilowday, laakiin aagagii hore guulo badan ayaa laga gaaray, khasaare badana waa la gaarsiiyey,” ayuu wareysigaan ku sheegay Jeneraal Faadhigo.

Wuxuu sheegay in Puntland uu ku soo duulay cadow caalami ah, kuwaas oo adduunka oo dhan dhibatooyin badan ka gaystay, isla markaana ay go’aansadeen in toos looga ciribtiro deegaanada Puntland oo hadda ay uga jiraan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ka sagootiyey ciidamo ku soo dhaawacmay dagaalka Buuraha Calmiskaad ka socda.

“Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira difaaca iyo Hawlgalada Argagixisada looga sifeynayo Puntland, isaga oo ka tacsiyeeyay intii ku shahiiday hawlgalada socda, inta dhaawacantayna Allaah uga baryay in uu u boogga dhayo,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland ka soo baxay.

Puntland ayaa sameysay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, kuwaas oo Deni u xilsaaray inay ka jawaabaan baahiyaha caafimaad iyo wixii kale ee taakulo ah ee ay u baahdaan ciidamada dagaalka kula jira argagixisada.