Puntland oo sharraxaad ka bixisay sababta ay u diiday sharciga batroolka dalka

Garoowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa dhamaan waxaa looga soo horjeestay Sharciga Batroolka ama Shidaalka Soomaaliya oo ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Sooomaaliya.

Maamulka Puntland  ayaa sheegay in sharciga Batroolka ee Baarlamaanka ansixiyey uu ka hor-imaanayo dastuurka dalka & hehsiisyada soo socda.

Qoraalka ka soo baxay Puntland ayaa Sidoo kale waxaa  lagu sheegay in Sharciga Batroolka ee la ansixiyey uu hoos u dhigayo Awooda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo mid Maamul ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Puntland ayaa sheegtay in ay ku dhaqmayso heshiisyadii hore ee Dowlada iyo Dowlad Goboleedyada dalka ay ka gaareen Shidaalka ay qaybsiga kheyraad Soomaaliya isla markaana aysan dhaqan gali doonin sharciga ay labada aqal Ansixiyeen.

Halkaan hoose ka akhriso Waraaqda kasoo baxay Puntland