PUNTLAND oo shir deg deg ah ka yeelatay ammaanka

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska dowlad-goboleedka Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta guddoomiyey shir deg deg ah oo looga hadlayay xaalada guud ee amniga.

Shirka oo ay ka qeyb-galeen Taliye ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska, qaar kamid ah hogaanada ciidanka booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, ku-xigeenkiisa, Taliyaasha Saldhigyada iyo saraakiisha Booliska gobolka Nugaal, ayaa waxaa looga hadlay kor u qaadista amniga caasimada maamulkaas ee Garoowe.

Sidoo kale waxay shirkaan ay taliyayaashu uga wada-hadleen howl-gelinta saldhigyada iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka amniga joogtada ah ee socda.

Shirkaan looga hadlayay amniga magaalada Garoowe ayaa imanaya ayada oo maalmihii lasoo dhaafay uu maamulka Puntland kordhiyay shirarka looga hadlayo arrimaha amniga kadib markii dhawaan ciidamada Somaliland ay la wareegeen magaalada Boocame ee gobolka Sool.

Ciidamada milatariga Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan ayaa dhawaan gudaha u galay degmadaasi, kuwaasi oo saldhig ka sameystay halkaasi, inkasta oo markii dambe ay dib ula wareegeen ciidamada Puntland.

Boocame oo ah magaalo weyn ayaa waxay Puntland u qorshaysay inay ka qabato doorashooyinka qof iyo cod ee haatan qaban qaabadeeda ay ka socoto deegaanada maamulkaasi.