Sawirro: DENI oo laba arrin kala hadlay MAREYKANKA

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda  Soomaaliya iyo arrimaha Puntland.

Deni ayaa xalay hoyga uu degan yahay magaalada Nairobi ku qaabilay wafdi ka socday safaaradda dalka Mareykanka ee Soomaaliya, kaas  oo ka kooban u qeybsanaha qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca siyaasadda.

Kulankan oo ahaa mi muhiim ah waxaa sidoo kale goobjoog ahaa, islamarkaanka Deni ku wehlinayey agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali.

Madaxweynaha Puntland ay xubnaha ka socday safaaradda Mareykanka kala hadlay laba qodob oo kal ah Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, sida ay shaacisay madaxtooyadu.

“Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda,” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale xubnaha Mareykanka ee la kulmay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida dhismaha Dekadda Garacad iyo sidoo kale qorshaha horumarinta dhaqaalaha Puntland.

Wadahadallada dhexmaray Mareykanka iyo madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya, xilli haatan maamulkaas uu wajahayo muran ka dhashay doorashooyinka oo u dhexeeyo madaxtooyada iyo ururada siyaasadda oo ka digay in la sameeyo muddo kororsi horleh.