Taliska Danab oo sheegay in Al-Shabaab ay haystaan hal fursad oo kaliya (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in waqtiga dhow ay soo afjari doonaan maleeshiyada Al-Shabaab ee dalka ka dagaalama.

Taliye ku-xigeenka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku baraarugeen in Shabaabku halis ku yihiin noloshooda, taasina ay ciidanka ka caawisay inay dardargeliyaan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

“Waxaa nasiib wanaag ah in ummadda Soomaaliyeed ay ku baraarugeen, ayna garteen in nimankan ay yihiin argagixiso dhibaato ku hayso, ayna iska dulqaadaan,” ayuu yiri Taliye Kuxigeenka Danab.

Taliye Kuxigeenka oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee horkacaya gulufka ka socdo Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in hawlgaladan ay kuwii hore kaga duwan yihiin, iyadoo shacabku garowsadeen in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab, isla-markaana ay la hawlgalayaan ciidamada.

“Hawlgaladan waxay uga duwan yihiin hawlgaladii hore, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed mar walba hawlgalku wuu sameynayay, dad badan oo deegaanka ah oo garabsiiya way jiri jireen, laakiin hadda kii hore wuxuu uga duwan yahay, bulshadii oo dhan ayaa waxay u kacday inay iska xoreeyaan nimankan, haddii saqiir iyo kabiir yahay iyo hadduu qof caajisa yahay intaba, inaan la dhaafaan markuu ogaaday ayaa ummaddii waxay go’aansadeen inay iska xoreeyaan cadowga ummadda Soomaaliyeed, wayna u istaaggeen, annagana meeshaas waxaan ka helnay yadidiilo iyo garab istaag fiican,” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka.

Isaga oo Warbaahinta Qaranka la hadlayay ayuu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed markii horeba shaqadu wuu waday, haddana asagoo intii ka sii niyad iyo awood fiican ayuu wadaa dagaalkii argagixisada lagula jiray, asagoo kaashanaya dadkii deegaanka. Hawlgaladan waxay uga duwan yihiin kuwii hore, waa bulshadii iyo ciidaankii oo is garab-socda.”

Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan ayaa qaba inaanay Shabaabku lahayn awood ay xilligan ugu babacdhigi karaan ciidanka iyo shacabka wada socda, isagoona qiimeyntooda cududda Al Shabaab ku sheegay boqolkiiba soddon (30%).

“Awood ay hadda ku hor istaaggaan ummadda Soomaaliyeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka malaha, awoodooda waxa haray waa uun boqolkiiba soddon ayaan dhihi karnaa, markii aan qiimeyn samayno,” ayuu yiri Gaashaanle Xasan Tuure oo intaasi ku daray “Sababtoo ah waxaa ka dareemi kartaa dagaalkii meeshaan lagula galay, waxay hor istaag ku samayn waayeen ciidamada, ayagoo awooddii ugu badneyd keenay Ceel Hareeri ayay hor istaaggi waayeen ciidamadii ugu yimid meeshaas ee ku soo weeraray, ayagoo weliba dhuumaaleysi samaynayay oo godad qodanayay ayaa godadkii looga daba galay. Marka inaysan awood lahayn meesha ayay ka muuqataa.”

Gaashaanle Xasan Tuure ayaa tibaaxay in waqtiga dhow uu dalka xor ka noqon doono maleeshiyada Al-Shabaab, waddada keliya ee maleeshiyadaasi u furana ay tahay inay isa soo dhiibaan.

“Rajada ii muuqato waxaa waaye muddooyinka soo dhow in wadankan uu xoryahay, oo Al-Shabaab aan laga sheegi doonin, inta hadda dagaalkan ku dhimatayna way dhimatay, intii kalena waa la daba socdaa. Fursad waxay haystaan inay isa soo dhiibaan, sidii Dowladda Soomaaliyeed ay horeba u sheegtay. Ninkii isa soo dhiibo, waan soo dhaweynaynaa, ninkii aan isa soo dhiibina baqtigiisaa keeni doonnaa, haddii Ilaahay na gaarsiiyo,” ayuu yiri Xasan Tuure.