Qorshaha dagaalka Shabaab oo wax laga beddelayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo ah hoggaamiyaha dagaalka lagu xoreynayo gobolkaas ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey qorshaha socdaalkaan uu ku yimid Xamar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu doonayo in wax laga bedalo qorshaha dagaalka lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab, maadaama ay ayaguba bedali karaan qorshahooda dagaalka, wuxuuna qorshihiisa la wadaagayaa madaxda qaranka, sida uu sheegay.

Shantii bilood ee lasoo dhaafay waxaa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ka socday dagaal u dhexeeya qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladda federaalka iyo kooxda Al-Shabaab, kaas oo reer Hiiraan ay guulo waaweyn ka gaareen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in Muqdisho uu u yimid inuu la kulmo madaxda dowladda federaalka, si qorshihiisa dagaalka uu ula wadaago iyo baahiyaha ka jira deegaanka ee dowladda federaalka aan looga maarmeyn.

“Safarkeygu wuxuu ku saabsanaa, maadaama waqti dheer aan ku jirnay dagaal, waxaan dowladda la wadaagayaa macnaha uu sameyey dagaalkii aan galnay, waxaa jira waxyaabo aan uga baahanahay dowladda federaalka,” ayuu yiri Cali Jayte.

Guddoomiyaha oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in dhul aad u baaxad weyn ay ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab, balse hadda ay ku harsan yihiin deegaano yar oo dhinaca galbeed ka xiga wabiga Shabelle ee mara Hiiraan.

“Markii la eego xeerka dagaalka, inta ay la egtahay khatarta aad wajaheyso ayey guusha aad gaari karto la egtahay, dadka Soomaaliyeed aad ayey u fiican yihiin, dhalinyarada Soomaaliyeed aad ayey u dagaalantay, dagaalka Hiiraan wuxuu ku socdaa sidii aan u qorsheynay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guddoomiyaha ayaa beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay Shabaab iska dul qaadaan, isagoo u balan qaaday garab istaag iyo inay ka kooxda ka xorey doonaan meel kasta oo dalka ka mid ah.

“Shabaab oo looga guuleysto Hiiraan, waa in Soomaalidu ay ka wada guuleysatay, mar hadaan Hiiraan xoreyno, waxaan gacan ka geysa doonaa sidii looga xoreyn lahaa gobollada kale ee dalka, in kastoo aan Hiiraan bis masuul ka ahay, hadana waxaan u diyaarsanahay xoreyn qaran oo dhamaan umadda Soomaaliyeed aan kooxdaan ka dul qaado,” ayuu yiri Cali Jayte.

Hoos ka dhageyso wareysiga