Puntland oo xoog adeegsi ku hanjabtay

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ciidankooda ku guuleysteen go’doominta koox burcad badeed ah oo afduub ku haysata markab ganacsi.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay xafiiska Shabakadda Caasimada Online ay ku lee dahay Garowe, ayaa lagu sheegay in markabkaasi laga curyaamiyay inay sahay uga timaado dhinaca xeebta degmada Garacad oo ah halka lagu haysto.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri :- Kaddib markii hey’adaha amniga Puntland ay heleen war ah in shaqaalihii markabkaasi dib la isugu soo celiyay ayaa Ciidamada Badda Puntland weerareen markabkaasi 10-ka December 2012, iyadoo xabado la iswaydaarsaday kadibna burcad badeedii shaqaalihii u afduubnaa ay la galeen qeybta hoose ee markabkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa markabkaasi ka xayiray inuu wax sahay ah ka helo dhanka xeebta. Subaxnimadii 11 December 2012 ayaa koox burcad badeed ah oo siday sahay isugu jirta hub iyo rasaas ay soo weerareen Ciidamada Puntland oo ku sugan xeebta. Isku dhacaasi hubaysan waxaa ku geeriyooday saddex ka mid ah burcadii soo weerartay Ciidamada Dowladda, waxaana gacanta lagu dhigay saddex kale oo ka mid ah isla kooxdaasi. Hubka la qabtay ayaa ka kooban 5 qori AK-47, 1 qori BKM, iyo kumanaan rasaas ah.

Tan iyo intii howlgalkani socday ayaa waxaa Ciidamada Dowladda Puntland ka dhaawacmay afar-askari. Dowladda Puntland ayaa amaan iyo boogaadin u jeedinaysa Ciidamada Dowladda oo u taagan difaaca jiritaanka Puntland.

Markabka MV Iceberg 1 ayaa waxaa madax furasho loogu haystay in ka badan 2-sano iyo 9-bilood, iyadoo shaqaalihii markabkaasi qaarna la dilay qaarna si xun loo jirdilay.

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona howlgalkani tan iyo inta laga soo furanayo markabkaan iyo shaqaalaha ku dhibaataysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe