PUNTLAND oo xukuntay rag iyo dumar qaraxyo u kala gudbin jiray Al-Shabaab

Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi ku ah ridday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu helay inay qaraxyada u kala gudbin jireen kooxda.

Xubnahan oo oo isugu jiro rag iyo dumar ayaa ka kooban 6 qof, waxaana xukunkooda uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Afar kamid ah xukunsanayaasha ayaa lagu riday min 10 sano oo xabsi ciidan ah, kuwaas oo kala ah Cabdirisaaq Maxamed Shire, Siciid Faarax Cabdiqaadir, Farxaan Weyrax Lixad iyo Cabdiqani Cali Faarax.

Sidoo kale maxkamadda ayaa min 5 sano xabsi ah ku xukuntay Raxmo Weydow Cabdi iyo Shamso Cali Isaaq oo iyana lagu helay la shaqeynta ragga la xukumay.

Maxkamadda ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinaya dambiga lagu helay xubnahan, oo intooda qiraal ka sameeyay dacwadda lagu soo oogay.

Horay Puntland ayaa sidan oo kale xukuno ugu ridday xubno ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo gacan galay ciidamadeeda,kuwaas oo qaarkood toogasho lagu fuliyay.

Si kastaba, xukunka maanta ay ridday maxkamadda ciidamada Puntland ayaa kusoo aadayo oo  magaalada Boosaaso ay muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayeen qaraxyada, taas oo keentay in ciidamada lagu eedeeyo inay ku fashilmeen ammaanka.