Sawirro: Xasan oo u yeeray culimada Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa culimada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadka muslimiinta ah ee Soomalaiyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka looga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubba ee islaamka.

Xasan Sheekh ayaa culimada la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka  madaxweynaha iyo culimada waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada Soomaaliyeed.