Qaar ka mid ah dhallinyaradii askar ahaanta loogu qaaday Eritrea oo soo baxsaday

Asmara (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhallinyaro Soomaali ah oo ka badan 10 qof ay xoog uga soo baxsadeen xeradii tababarka ee dalka Eritrea kadib markii ay ka gadoodeen muddo dheer oo ay halkaas joogaan. 

Dhalinyarada soo baxsatay ayaa la sheegay in qaarkood ay ku geeriyoodeen jidka intii ay safarka soo haayeen halka qaar kalane ay ku dhinteen rabshado ay kala kulmeen Qowmiyadda Canfarta, iyadoo tiro kooban ay safar dhulka ah ku soo gaareen dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in dhallinyaradaan ay soo galeen gudaha Soomaaliya balse ay jiraan iskaashi ay sameeyeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu baadi goobayo dhalinyaradaan. 

Sida aan kasoo xiganay dad ehel la eh, qaar kamid ah dhalinyaradaan oo soo galay gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo waceen dad ku xiran Villa Somalia oo lacag badan u ballan-qaaday si aysan warbaahinta uga hadal, uguna yimaadaan dowladda.

Waxay sidoo kale sheegeen in loo hanjabay markii ay diideen yaboohyadii loo sameeyey, welina ay hadda ku jiraan baxsad ayna raadinayaan xubno kamid ah sirdoonka Itoobiya.

Villa Somalia ayaa dadaal kasta u mareysa in dhallinyaradaas aysan warbaahinta ka hadal, taasi oo haddii ay dhacdo banaanka keeni doonto sirtii sanado badan la qarinayey ee ku gadaaman dhallinyarada askar ahaanta loo geeyey Asmara.

Waalidiin badan ayaa maalmahan Muqdisho ka dhigayay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego carruurta kaga maqan dalka Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya ugu qaaday in shaqo ilaalo ah loo gaynayo Qatar.