Shabaab oo 4 qodob kasoo saartay weerarada Yahuudda ee GAZA, dalbatay hal mid

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay weerarada a Yahuudda ku hayaan Falastiin waxay ku sheegtay in dhacdooyinkaas ay yihiin casharo ay wax ka baran karaa umadda Islaamka.

Al-Shabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay, in marka kowoaad, ay dhacdooyinkaas muujinayaan in ruuxda jihaadka ay weli ku nooshahay xididdada shacabka dhulka barakeysan ee Falastiin.

Waxay tiri, in marka labaad, ay dhacdooyinkaas muujinayaan heerka uu gaarsiisan yahay cadaawadda ay Yahuudda iyo Kirishtanka u hayaan umadda Muslimiinta ah. “Halka ay Yahuudda xasuuq ku hayaan haweenka iyo caruurta aan is-difaaci karin, dalalka Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Faransiiska waxay sii wadaan inay taageeraan dambiyada dagaalka Israel,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marka saddexaad, ayaa lagu yiri bayaanka Al-Shabaab, dagaalka Qudus ka socday tan iyo bishii Ramadan wuxuu ceeb iyo dhabarjab ku yahay kuwii ku baaqayey in la caadiyeeyo xiriirka Israel, sida hoggaamiyayaasha Carbeed. Imaaraadka Carabta, Bahrian iyo Sudan ayaa sanadkii tegay caadiyeeyey xiriirka Israel.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dunida oo dhan ay hadda garowsatay in hindisaha loogu yeeray nabadda ee u dhaxeeya Yahuuda, Kirishtanka iyo Muslimiinta, oo ay ula jeedo dalalka Carbeed, aysan macquul aheyn inuu shaqeeyo, islamarkaana ay guul-darreysteen kuwii isku dayayey in umadda Muslimiinta ah ay u dhiibaan cadowgooda, sida lagu qoray bayaanka.

Bayaan Al-Shabaab ayaa intaas ku daray, in marka afaraad, ay u mahad-celinayaan dhammaan Muslimiinta is-garab taagga u muujiyey walaalahooda ku sugan dhulka barakeysan.

“Waxaan ugu dambeyn ugu baaqeynaa wiilashada Umadda inay bartilmaameedsadaan danaha Yahuudda iyo Gaalada ee dunida oo idil, ayna taageeraan walaalahooda caburinta lagu hayo ee Gaza iyo dhulalaka kale ee la haysto ee Falastiin,” ayey tiri Al-Shabaab.