Yaa hortaagan aqoonsiga Somaliland, 30 sano kadib?

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay si weyn ugu dalaal degtay xuska 18-ka May oo ah markii la aas-aasay maamulkaasi, muddo hadda laga joogo 30-sano, waxaana tan markaas ay xukuumadda Hargeysa raadineysaa Ictiraaf gooni ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad dabaal-deg ah oo lagu qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey caqabadda hortaagan inay aqoonsi hesho Somaliland, wuxuuna shaaca ka qaaday inay tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay kasoo horjeedo horumarkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Biixi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dowladda kaliya ee kasoo horjeedo qaranimadooda marka la eego dhammaan dowladaha ka jira caalamka.

“Maanta dalalka boqol iyo dhowr iyo sagaashanka dowladood ee aduunka jira dowladda qudha ah ee aan ogleyn ee ka soo horjeeda qaranimada Somaliland waa dowladda Xamar ka dhisan ee watigeeda dhamaaday,” ayuu  khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ka xukuumad ah ay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii ay Somaliland ku heli laheyd ictiraaf gooni ah, isla-markaana ay waqti iyo dhaqaalaba ku bixin doonaan jiritaan iyo sidoo kale madax banaanida ‘qaranimada’ Somaliland.

“Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu markale yiri madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dooneyso inay dowladaha caalamka iyo kuwa gobolka ay kula noolaato nabad iyo xasilooni, si loo wada ilaaliyo darisnimada iyo wax wada qeybsiga ee ka dhexeeya dhammaan dowladaha caalamka.

Si kastaba, Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, welina ma helin aqoonsi gooni ah, waxaana soo maray dhowr madaxweyneyaal oo dadaal ku bixiyey qaddiyada Somaliland, balse ma jirto wax natiijo oo kasoo baxay damacaas iyo dadaalka ay Somaliland ku dooneyso madax banaanideeda.