Qarax askar Kenyan ah lagu dilay oo ka dhacay Lamu

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay gobolka Xeebta Laamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Baure oo ka tirsan Lamu.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee qaaday weerarkan oo ah mid dhabo-gal ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin xoogan, kadib dagaalka ay la galeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidmada Kenya ayaa sameeyey qaraxa, kadib howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi oo meesha ka baxsaday.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan labo askari, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka tirsan ciidmada Kenya, kuwaas oo dhaawacyadooda loo qaaday magaalada Narlirobi.

Al-Shabaab oo dhankeeda guulo ka sheegtay weerarkan waxay shaacisay in sidoo kale ay kusoo furatay saanad milatari oo ay lahaayeen ciidamada la weeraray.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi.