Qaar ka mid ah haweenkii ISLAAMKA ee taariikhda dunida wax kusoo kordhiyay

Haweenka Islaamku waxa ay kumannaan sano kahor uga tageen bulshadooda raadad togan oo muujinaya doorkoodii horumarineed ee nolosha bulshadooda. Haddaba Xadaaradihii Muslimiintu ay gaadheen qarniyadii hore waxa qeyb weyn ka ahaa haween kartidoodu ay dhaaftay inta caadiga ah kuna guulaystay in ay horumariyaan bulshadooda iyaga oo ragga la shaqaynaya. waxaana ka mid ahaa haween noqday hormoodka ummaddooda dhinacyada maamulka, Dhaqanka,Caafimaadka, Beeraha Falasafadda,Xiddigiska iyo Farshaxanka.

Maanta oo ku beegan 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka ma aha maalin kufilan haweenka waana ay ka ballaadhanyihiin maalin loo asteeyo oo la xuso balse qoraalkeennan kooban waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaar kamid ah haldoorkii haweenka Islaamka soo maray ee taariikhda dunidan aynu joogno raadka kaga tagay si loogu daydo:-

  • LABANA OF CORDOBA: Waxa ay noolayd qarnigii 10aad waxaana ay kufiicnayd Xisaabta iyada oo xallin jrtay masalooyinkii ugu adkaa xilligaas ee xisaabaadka Joometeriga iyo Aljebrada Waxaana ay qarnigii 10aad noqotay xoghayihii gaarka ahaa ee dawladdii Ummaawiyiinta u fadhiyay dalka Isbaanishka , xilkaas weynna waxa u igmaday Khaliifkii xilligaas maamulayay dawladdii Islaamiga ahayd ee Ummaawiyiinta kaasi oo ahaa Khaliif Al-Xakam-kiilabaad.
  • FATIMA AL-FIHRI: Waxa ay qarnigii 8aad kudhalatay Magaalada Qeyrawan ee dalka Tunisia waxa aanay ku takhasustay Shareecada Islaamka gaar ahaan Culuumta Fiqiga iyo Axaadiista, Fatima waxa ay bulshadeeda u dhistay Masjid taariikhdu markay ahayd 859-kii, waana mid shaqeeya illaa maanta loona aqoonsanyahay in uu yahay goobtii ugu horraysay adduunka ee laga qaato shahaado Degree ah oo waafaqsan habka caalamiga ah ee maanta la raaco sida ay u aqoonsatay hay’adda caalamiga ee waxbarashada,Sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO) waana Jaamacadda hadda lagu magacaabo (The University of Al Quaraouiyine) oo kutaalla magaalada Fez ee dalka Morocco, waxaana ay ku jirtaa Buugga lagu qoro dhacdooyinka dunida ee (Guinness world record). 
  • MARIAM AL-IJLIYA AL-ASTRULABI: Waxa ay noolayd qarnigii 10-aad, iyada oo ku takhasustay culuumta xiddigiska waana gabadha hindistay ama ikhtiraacday waxa loo yaqaanno (Astrolabes) kaasi oo ah qalab si weyn ay u isticmaalaan dadka Badmareenka ah ama xiddigiyayaasha ah kaasi oo ay ku kala gartaan wakhtiga iyo Jihada , Mariam ayaa xilliga ay ikhtiraacday qalabkan Astrolabes-ka waxa ay ku sugnayd Magaalada Aleppo ee dalka Syria taasi oo hadda ku taalla waqooyiga dalkaas, Mariam waxa ay sidoo kale la shaqaysay Amiirkii Magaalada Aleppo oo lagu magacaabi jiray Sayf al-Dawla, cilmigana waxa ay ka dhaxashay Aabbaheed oo ahaa xiddigiye caan ah laguna magacaabi jiray al-Ê»Ijliyy al-Asturlabi.
  • AMINA ZARA: Waxa ay ahayd boqorad awood badan oo maamuli jirtay Boqortooyadii dhul ka mid ah waqooyi galbeed Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 1588 illaa 1589, Amina waxa ay ahayd inantii ugu weynayd ee uu dhalay Bakwa Turuku kaasi oo ahaa aas aasihii Boqortooyada Zazzau sannadkii 1536-kii waxaana ay talada boqortooyadaas ay gacanta ku haysay muddo 11 sano ah una dhaxaysay 1588-kii illaa 1589-kii, inkasta oo taariikh yahannadu ay isku khilaafsanyihiin qaabkii xukunkeeda oo qaarkood ay leeyihiin waxa ay ahayd gabadh gabadh arxan daran oo dagaal badan haddana waxa la isku raacsanyahay in ay lahayd xukun dhab ah iyo hibooyin badan oo ay ka mid ahaayeen xirfadda Injineernimada iyo xeeladaha ciidamada (military strategy) waxaana ay adeegsan jirtay awood ciidan. 

Ugu dambayntii waxa habboon in haweenka Islaamku ay ku daydaan haweenkii Islaamka ee bulshadooda,diintooda iyo naftoodaba wax taray sida kuwa aynu kasoo hadalnay iskana dhaafaan khiyaaliga reer galbeedka ee hanka gabadhaba kusoo koobay inay u noolaato sida ninka oo kale.

W/Q: Muxiyadin Maxmamud Xusen
Email: Masxaf44@gmail.com