Qaar ka mid ah musharaxiinta Jubaland oo ka jawaabay dalabkii wakiilka QM

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharixiinta madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hor-yimid dalabkii wakiilka QM ee Soomaaliya ee ahaa in dib loo furo is-diiwaan gelinta musharaxiinta oo waqtigeedu dhacay.

Musharaxiintan, oo la baxay Kutlada Musharaxiinta Madaxweynaha Jublanad, islamarkaana horay isku diiwaan geliyay, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in waqti kordhin lagu sameeyo doorashada Jubaland.

Qoraal kasoo baxay ayay ku sheegeen in ay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo.

Waxaa kaloo ay qoraalkooda ku sheegeen in Guddiga doorashooyinka ay sidoo kale ku dhaliilayaan in wafdiga ka socday beesha Caalamka ee tegay Kismaayo aysan la socod siin guddigu, isla markaana ay muhiimad gaar ah siiyeen musharixiin dano gaar ah wata, sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam iyo iyaga ay u wada siman yihiin talada Jubbaland, isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo furo diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha ayna u arkayaan in lagu soo darayo dad ay si gaar ah u wataan.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka