Qaar ka mid ah xildhibaanadii lacagta qaatay doorashadii Xamar oo lagu dhegan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomalaiya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ayaa lagu eedeeyay inay dhowr murashax ay lacago laaluush ah uga qaateen inay u codeynayaan doorashadii madaxweynaha ee dhacday 15-kii May.

Caaqil Cabdi Cumar oo ka mid ah odayaasha beesha Isaaq ayaa ku eedeeyay xildhibaanadan inay khayaano iyo ballan-fur sameeyeen, isaga oo tlmaamay in ay sumcad dileen magacii beesha.

“Ummadii Illaahey, meel kasta waxaa nala leeyahay, xildhibaanadii Isaaq baa na gurtay, anigu gurigii Saciid Cabdullaahi Deni baan joogay, ninkii kursiga aad Muuse Ismaaciil u dhacday ee ku fadhiyay, lix qof iyo adiga, toddoba ayuu Saciid Cabdullaahi Deni kasoo gacan mariyay, waa xildhibaanka yar ee Ceyduruus la dhaho, waan taagnaa nadartu baan ahaa, waan la joogay anigu, kuturi-kuteen maaha, meel kasta waa laga qeylinayaa, ceebtaasi magac xumida “Habar Yoonisoow Saalaxoow” “Adaa baday, maantana waa kaa cidlada fadhida, wixii dhacayba dhaceee, dadka murashaxiintaa lacagtooda u celiya, lafahiina yeynan idiin dilinee,” ayuu yiri Caaqil Cabdi Cumar.

Caaqil Cabdi ayaa ku qeyliyay in xildhibaanadaasi ay magac iyo sumcad dileen magacii beesha, wuxuuna ku baaqay in murashaxiintii xildhibaanadaasi lacagta ka qaatay in dib loogu celiyo si loo ilaaliyo magacii iyo sumcada beesha.

Hadalkaani ayaa xaqiiq iyo caddeynba ugu filan in doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ay aheyd mid masuq maasuq oo lacago lagu baxshay.

Kuma koobna oo kaliya xildhibaanada waqooyi, balse wuxuu ahaa dhaqan guud in xildhibaanada golaha shacabka ay musharaxiin badan lacago uga qaateen inay codka siinayaan balse ay kadib siiyeen mid ka mid ah kaliya wareeggii koowaad.