Maqaayad Faransiis ah oo Sacuudiga ku taalla oo loo diiday haweenka xijaaban

Jeddah (Caasimada Online) – Maamulka maqaayad laga leeyahay dalka Faransiiska oo ku taalla magaalo xeebeedka Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa mamnuucay inay maqaayada soo galaan haweenka xiran xijaabka ama indha shareerka Islaamka, taas oo kicisay carro badan oo ka timid macaamiisha maqaayadda iyo muwaadiniinta boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Bagatelle Jeddah, oo ah laan ka mid ah silsiladda makhaayadda caanka ah ee Faransiiska, ayaa la sheegay todobaadkii hore iyo horraantii toddobaadkan inay diiday inay soo galaan dumarka xiran xijaabka iyo cabaayadaha.

Sidoo kale, maqaayadda ayaa la diiday inay soo galaan haweenka xiran cabaayadda dabacsan oo ay xirtaan hweenka boqorootyada ingiriiska. Sidoo kalana waxaa maqaayadda loo diiday inay soo galaan ragga ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Sacuudiga.

Kadib markii ay warbixinada sheegaya arrintaan soo bandhigeen wargeysyada iyo boggaga internet-ka, waxaa bilowday durba kacdoon ay dadka Sacuudiyaanka ah uga hor tagayaan arrintaa, waxaana baraha bulshada lagu soo qoray warbixino iyo hadalo adag oo arrintaan looga jawaabayo.

Qof ay ugu qortan tahay Facebook Ameera Al Qahtani ayaa tusaale ahaan tiri “ Uma qalanto maqaayadaan wax xidig ah, sababtoo ah waxay diiday inay haweenkeena u ogolaato inay xirtaan xijaabka, sidoo kalana waxay diiday inay raggeena xirtaan khamiiska, waa in laga ceyriyo Jeddah, ma aysan tixgelin diinteena waxayna naga dhigtay kuwa aad u careysan”.

Maqaayadda oo maalmihii dambe lagu eedeenayey in cunto xumo iyo dhadhaqan la’aan  ayaa hadda ku jirto xaalad halis ah maadaama ay faraha lasii gashay waxyaabo kiciyey carada dadka Muslimiinta ah ee ku sugan Sacuudiga.

Maqaayadda ayaa marka laga raadiyo Googlaha waxaa dadka usoo baxayo inay xiran tahay taasoo la sheegay inay ka dhalatay kacdoonka ay internet-ka sameeyeen dadka Sacuudiyaanka ah. Laakiin waxaa kale oo laga yaabaa inay sabab u tahay amar ka soo baxay maamulka Sucuudiga, inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo deg deg ah, haddana qaar ka mid ah warbaahinta gobolka ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee Jeddah uu qaatay go’aanka lagu xirayo maqaayadda.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegantay iyadoo Boqortooyada Sucuudigu ay sannadihii u dambeeyey kordhisay dadaallada ay ku doonayso inay ku soo jiidato dalxiisayaasha ajaanibka ah, gaar ahaan kuwa reer Galbeedka ah, si ay u tagaan goobaha dalka gudihiisa ah. Mid ka mid ah meelaha soo jiidashada leh ayaa ah xeebta Jeddah oo ay ku taalo maqaayadan muranka dhalisay.

Waa tusaalihii ugu dambeeyay ee walaaca ku saabsan xiisadaha bulshada ee ka dhashay iska hor imaadka u dhexeeya qiyamka bulshada Islaamka ee Sacuudiga u dhashay iyo waaga cusub ee uu Maxamed Bin Salman rabo inuu geliyo dalkaas si loo dhiirageliyo dalxiisayaasha.