Agaasimihii ku dhaawacmay qaraxii lagu dilay Yariisow oo xog cusub bixiyey + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la baahiyey qeybta labaad wareysi xanuun badan oo Idaacadda Kulmiye uu siiyey Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ahaa masuuliyiintii lixaadkooda ku waayey qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii la shaqeyneysay.

Agaasime Gaboose oo qaraxaas ku waayey lug, gacan iyo labadiisa indhood ayaa wareysigiisa qeybtaan ku sharax dhibaatooyinkii uu soo maray, goortii uu ka soo laabtay dalka Qatar, balan qaad aan fulin oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka helay, dalalka loo sheegay in dhakhaatiir wax ka qaban karta dhaawaciisa uu ka heli karo iyo waxa ka jira in gabar Indha la’ ay fulisay qaraxaas.

Maxamed Maxamuud Gaboose oo dhaawaciisa lala qaaday Allaha u naxariistee guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dalka uu dib ugu soo laabtay Ramadaankii hore, si dowladda Soomaaliya uu caawin caafimaad uga helo, balse uusan weli ka helin.

Wuxuu sheegay in loo geeyey Ra’iisul Wasaare Rooble oo u sameeyey seddax balan qaad oo uu ka xusay in seddax maalmood gudahood dibadda caafimaad loogu qaadi doono, isla markaana uu arrintiisa u xil saaray xoghayaha guud ee xafiiskiisa, balse uu balantii ka baxay ninkii arrintiisa loo xil-saaray.

Dhibane Gaboose ayaa u cudur daaray Ra’iisul Wasaare Rooble oo mudadii uu xafiiska joogay dhexda uga jiray howlo doorasho oo aad u adag, wuxuuna aad ugu mahad celiyey seddax qof oo kala ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre iyo guddoomiye Cumar Filish.

Wuxuu aad uga cabtay sida ay u qadari waayeen Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdii la shaqeyneysay, isagoo sheegay in ergo badan uu u dirsaday xafiiska Madaxweynaha marar kala duwan, si dalka dibadiisa uu caafimaad ugu qaado, balse ugu dambeyntii uu Agaasimaha madaxtooyada u balan qaaday in markii Farmaajo dib loo soo doorto uu la kulansii doono.

Dalalka kala ah, Jarmalka, Mareykanka iyo Talyaaniga ayuu sheegay Maxamed Gaboose in caafimaadka ishiisa wax looga qaba karo, sida ay u sheegeen dhakhaatiirtii Qatar, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday in daryeel caafimaad uu la raadiyo.

Hoos ka daawo wareysiga