Xog: Sidee Rooble uga war helay qorshaha guddiga FEIT kahor inta aanu kala dirin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday, kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey iuuu xalay soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 ee Fahad Yaasiin oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaasiin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble soo istaajin laheyd meel adag.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Waxaa suurta-gal ah in dad badan ay is-weydiiyaan sida lacag sidaas u badan loogu bixin karo kursi xildhibaan, balse muhiimadda ayaan aheyn kursiga ee waa xasaanadda uu leeyahay.

Waxaa xusid mudan in doorashadii 2016 ay xildhibaano badan oo badankood kasoo jeeda beesha Hawiye ay kuraas xildhibaan ku bixiyeen lacag ka badan nus milyan dollar, si ay ugu helaan xasaanad uguna ilaashadaan ganacsiyo iyo qanadaraasyo ay ka hasytaan dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, heshiiska qarsoodiga ah ee guddiga iyo Fahad ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha usoo dusiyey xubno ka mid ah guddiga oo ku dhow, taasi oo keentay go’aankii deg degga ahaaa ee uu xalay ku kala dirau guddiga. 

“Kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiyeen in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxaana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalkaan waxaa sidoo kale lagu cadeeyey in shaqadii guddiyadaan ay ku ekeyd doorashadii guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo dhacday 27 ilaa 28-kii bishii hore.

Kursiga #HOP086 ayaa waxaa horey ugu fadhiyey oo weli damac uga jira inuu dib u helo Faarax Cabdulqaadir oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, mana cadda haddii tallaabada uu xalay qaaday Rooble ay arrintaas qeyb ka tahay.