Qaar ka mid ah xubnaha looga yeeray kulan BF oo aan tagin xarunta (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii wasiir ee loo yeeray iyo taliyaasha ciidamada Booliska, metelariga iyo asluubta ayaa maanta tagay xarunta golaha shacabka, halkaas oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco kulan su’aalo lagu weydiinayo.

Xubnahaan ayaa wax laga weydiin lahaa amaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, oo qaraxyada ay caadi ka noqdeen maalmihii dhowaa.

Wasiirka amniga iyo wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda ayaa ka mid ahaa xubnaha tagay kulanka, waxaana dhinac fadhiya taliyaasha ciidamada, waxaana kulanka maanta ka maqan guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Fahad Yaasiin, oo ah agaasimaha NISA.

Fahad Yaasiin ayaa ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaaraha ee u duulay dalka Mareykanka, balse guddoomiye Yariisow ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyadoo aan la ogeyn sababta uu kulanka uga baaqday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com