Qaban qaabada doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar laga dareemayo

Jowhar (Caasimadda Online)- Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxay ku waramayaan in magaaladaasi laga dareemayo qabanqaabada loogu jiro doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

Siyaasiyiin badan ayaa gaartay magaalada iyadoo  dib u habeyn lagu sameynayo  howlka lagu wado iney ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo weli aysan  jirin cid shaacisay iney tahay musharrax madaxweyne.

14-kii bishan, xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kalsoonida kala noqday madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay in xilka madaxweynaha kaliya u tartami karto Beesha Xawaadle oo madaxweynihii metalayay xilka laga tuuray.