Qaramada Midoobay oo shaacisay arrin laga cabsi qabo inay ka dhacdo gobolka Baay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ee arrimaha Bani’adannimada oo soo saaray warbixin ayaa sheegay in xaaladda abaaraha ee ka jira Soomaaliya ay marayso heerkii ugu adkaa.

Martin Griffiths oo sheegay inay arrintaan walaac ku heyso ayaa si gaar ah uga hadlay deegaanno dhaca  Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Baay oo uu sheegay inuu yahay gooha ugu daran ee abaartu sida weyn u saameysay.

Warbixinta kasoo baxday Martin Griffiths  ayaa lagu xusay degmada  Baydhaba iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolka, waxaana hadalkiisa uu sii raaciyay in xaaladuhu kasii dari karaan bilaha soo aadan haddii aan la qaadin tallaabooyin deg deg ah.

“Waxaan aad uga naxay maalmihii na dhaafay heerka uu gaarsiisan yahay xanuunka iyo silaca ay u dulqaadanayaan dadka Soomaaliyeed, waxay qarka u saaran yihiin macluul, maantana waxaa na soo gaartay digniintii ugu dambeysay, warbixinta ku saabsan cunnada ay heli karaan dadka Soomaaliyeed oo maanta lasoo saaray waxay si cad u muujineysaa in macluul ay ka dhici doonto laba goobood oo ku yaal Gobolka Bay, waa degmooyinka Baydhaba iyo Buurhakaba ee dhaca bartamaha Koofurta Soomaaliya inta u dhaxeysa bilaha October iyo December ee sannadkaan” ayuu yiri Martin Griffiths.

Martin Griffiths oo hadalkiisa siiwata waxaa uu sheegay in xaaladda abaaraha ee Soomaaliya ay lamid tahay middii 2010 ilaa 2011 ku dhuftay gayiga Soomaaliyeed wuxuuna sheegay inay hadda halis badan tahay kuwii hore

” Xaaladda waxay u muuqataa mid la mid ah 2010-2011 haddiiba aysan hadda ka halis badneyn, baaqashada afar xilli roobaad oo isku xiga, tobannaan sano oo colaad ah, barakac baahsan, arrimo dhaqaale xumo oo aad u daran ayaa ku kallifaya dad badan inay qarka u fuulaan macluul”. ayuu sii raaciyay hadalkiisa Martin Griffiths.

Gababadii hadalkiisa waxaa uu ku sheegay in abaaraha ay sababeen sidoo kale in ka badan Milion caruur Soomaaliyeed ay lasoo darisi karto  xaalada nafaqadarri ah marka la gaaro bisha October 2022

″ Milyan iyo bar carruur ah oo ku sugan Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad nafaqodarro oo aad u daran marka la gaaro bisha October, waxaan gaarnay waqtigii ugu dambeeyey oo ay ahayd inaan noloshooda badbaadinno waana naga sii idlaanayaa” ayuu ku yiri gagabadii hadalkiisa Martin Griffiths.

Hadalka kasoo baxay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Bani’adannimada Martin Griffiths ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa  xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan, taas oo dad iyo duunyo intaaba saameysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalka ku aadan guirmadka abaaraha, iyadoo markale baaq u dirtay caalamka kale.