Xog: Ganacsatada qaadka oo qaati ka taagan dullaaliin ku xiran madaxtooyada…

Sida laga warqabo ganacsatada qaadka waxaa culeys weyn ku hayey waaydan dullaaley aan waxba ku darsan, oo doonaya in ay guryhadooda ku qaataan khidmad ay dulsaar-sadeen qaadka, arrintan ayaa laga keenay Koonfurta dalka oo muddooyinkii danbe ay si weyn uga jirtey, waxaana ay sii xoogeysatey, sanadkii 2019, markii la joojiyey Qaadkii Miiraaga.

Ganacsatada Qaadka ee Kenya iyo weliba Soomaaliya ayaa ka cabanaya khidmad aad u badan oo ay saarsadeen siyaasiyiintii isbeddelkii dalka ka dhacay qayb weyn ka ahaa, kuwaas oo halkii Kiilowgraam oo Qaadka ah ku leh khidmad iyaga oo aan waxba ku darsan ganacsatada.

Dullaaleyda Qaadka ee Puntland

Puntland ayaa mid lamid ah tii ka jirtey muddooyinkii danbe, laakiin lacagta khidmadda ah ee ay qaadanayeen dullaaley isugu jira Xildhibaano iyo kuwo xiriir dhaw la leh Madaxtooyada Puntland, ayaa ahayd mid aan Kiilo lagu dhufan ee duuduub ah.

Maalinkasta ilaa saddex diyaaradood oo Qaad sida ayaa yimaada magaalada ganacsiga ee Boosaaso, kuwaas oo mid kamid ah ay tahay shirkadda Redstar oo uu lee yahay ganacsade Itoobiyaan ah oo ay wakiil uga yihiin qaar kamid ah kuwa ka ganacsada maandooriyaha Qaadka.

Haddaba sida aan ka ogaaney dullaaliin ku xiran Madaxtooyada Puntland iyo ganacsatada Qaadka maxaa kala haysta?

y dullaaleyda ku xiran madaxtooyada ayaa isku dayey in ay u dhaqmaan sida kuwa Koonfurta ee dhaqaalaha badan ka sameeya, waxaana ay saddexda diyaaradood ee Qaadka keena ku soo rogeen in halkii Kiilogaraam ay bixiyaan $2.5 dollar, waxaana lacagtan baada ah ee cusub ay saameyneysaa dhamaan diyaaradaha keena Qaadka.

Qiyaastii 30 ton oo Qaad ah ayaa maalinkasta soo gala Puntland, horey waxay u bixin jireen sidaan sheegnay, lacag ay siiyaan qaar kamid ah dullaaliinta oo ay ku jiraan Xildhibaano Puntland ah maalinkasta lacag dhan qiyaastii $6000, laakiin kooxdan cusub ee ku xiran Madaxtooyada isla markaana fadhigoodu yahay Boosaaso ayaa dhankooda doonaya in ay iyaguna dhaqaale ka sameeyaan.

Kala noqonshada shatiga RedSTAR

Shirkadda RedStar waxay heshiis kula jirtaa Puntland, sidoo kale waxay dayactirtey garoonka diyaaradaha ee gaalkacyo iyo weliba kan Qardho.

Shirkadda RedStar International ayaa diidey lacagta cusub ee baadda ah ee dulaaleyda awooda badan ee Bosaso joogtaa ay saareen taas oo gaareysa maalintasta ilaa $70 000 oo dollar, isku dar saddexda diyaaradood, halka ay bishii ka noqoneyso lacag ka badan laba milyan oo dollar.

Shirkadda Redstar ayaa loo isticmaaley awoodda wasaaradda duulimaadka iyo garoomada Puntland oo ka soo saartey in laga joojiyey shirkadaasi timaado garoomada Puntland.

Maalintii shalay ee Talaadada ayaa diyaaradda RedStar ka soo duushey Itoobiya iyada oo sida qaad gaaraya 7ton, waxaana duulimaadkeedu ku wajahnaa garoonka Bosaso, laakiin iyada oo hawada ku jirta ayaa loo sheegay in aysan ku soo degi karin, kadib waxay ku degtey garoonka diyaaradaha ee Garoowe, buuq badan ayaa halkaas ka dhacay, waana laga dejiyey Qaadkii, iyada oo dasaaradda duulista hawadu sheegtey in ay shirkadda ganaaxeyso oo aysan diyaaraddu duuli karin.

Dacwad laga gudbiyey Puntland

Mulkiilaha Redtsar oo ah ganacsade Itoobiyaan ah ayaa hadda dacwad ka gudbiyey wasaaradda duulista hawada ee Puntland, waxaana dacwadiisa u gudbiyey Dowladda Federaalka ah ee masuulka ka ah duulimaadyada hawada iyo hagidda diyaaradaha.

Marka laga yimaado maandooriyaha Qaadka iyo dhibaatooyinka uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed, ayaa hadda waxa ugu darsamey dullaaley awoodda Puntland isticmaalaya oo doonaya in ay dhaqaale xooggan ka sameeyaan, maadaama xiligii maamulka hadda ee Puntland uu gabaabsi yahay.