Shabakad Shabaab ah oo qorsheynayey weeraro oo lagu burburiyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay burburiyay shabakad Shabaab ah, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Shabakaddan ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u qorsheeyeen inay falal amni darro uga fuliyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida qaraxyo iyo weeraro lagu laayo shacab badan.

“Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabakada argagixisada ah, hubkoodii iyo Mooto Bajaaj ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan marka ay dhibka gaystaan,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda.

Lama shaacin tirada xubnaha ka tirsan shabakaddan ee la qabtay.

Ciidamada ammaanka ayaa sida la sheegay howlgalkaan sameeyay kadib markii ay heleen xog ammaan oo dhamaystiran, waxaana wali jira xubno ka tirsan shabakad oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka.

Waa markii labaad ee muddo toddobaad ah oo ciidamada NISA ay gacanta ku dhigaan xubno muhiim u ah kooxda Al-Shabaab.

Taliska Ciidamada Nabadsugida dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa 11-kii Bishan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool waxay kusoo bandhigeen xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay ciidamada.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Isaaq Cali Yaroow Cabdiraxmaan ayaa waxay sheegeen saraakiisha ciidamada Nabadsugida in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxa kuwa fuliya weerarada ee Jabhadaha loo yaqaano.

Isaaq Yaroow ayaa muddo shan sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna ka qeyb qaatay weeraro ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA.