Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay aagga Villa Baydhaba ee Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay meel ku dhow inta u dhaxeysa Isbitaal Media iyo Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla xarumo ay degan yihiin saraakiil militari oo ka tirsan dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof soo xirtay jaakadaha qarxa. Wararka horudhaca ah ee ana heleyno ayaa sheegaya in illaa hadda khasaaraha kaliya ee la xaqiijiyey inuu yahay qofkii is-qarxiyey.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”

Qaraxa ayaa imanaya laba toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus.

Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga.

Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September.