Siyaasiyiin dalab cusub soo jeediyey kadib burburkii wada-hadallada Rooble iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid Musharaxiinta Mucaaridka ayaa dalbaday in guddiga waan-waanta ka dhex wada madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, cadeeyan mowqifkooda.

Waxay sheegen inay lagama maarman tahay in dadkii wada-hadaladaas waday ay umadda u cadeeyaan xaqiiqda jirto iyo cidda xalka diiday, si loo ogaado mas’uulka diidan in horumar laga sameeyo arrimaha taagan.

Sidoo kale waxay si wada-jir ah garab istaag ugu muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaga oo ku booriyay in uu hore u sii wado arrimaha doorashooyinka, maadama ay tahay midda keli ah ee xiligan isbedel horseedi karta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri: Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga.

Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo.

Haddaba, Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta waday mowqifkooda shacabka ha u caddeeyaan. Shacabka, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamkaba labalabaynta ha iska daayaan ee RW garab buuxa ha siiyaan, hawlaha doorashada hala dardar geliyo, Ikraana caddaalad ha loo helo. Isaguna labaclabacda iyo waqti lumiska ha joojiyo, waaya-aragna maalmo ha noogu kaadiyo.

Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale yiri: Waa cadeyd in Farmaajo rabin wadahadal iyo tanaasul midna, mana aheyn wax horay looga bartay inuu wax tanaasul ah sameeyo, odaytinimana muujiyo.

Waa ku mahadsan yahay RW Rooble inuu muujiyey wax kasta oo tanaasul ah si xal loo helo ama dadka dadaalada wadahadal waday ay u soo quustaan. Waxaa laga doonayaa dadkii wadahadalada waday inay umadda u cadeeyaan xaqiiqda jirto iyo cidda xalka diiday. Sidoo kale waxaa laga doonayaa inay garab istaag buuxa u muujiyaan Raisu wasaaraha.

Raisu wasaare Rooble waxaan u soo jeedinayaa inuu horay u socdo oo uu doorashada dardar galiyo, maadaama ay tahay wada kali ah ee isbadal keeni karta, dalka lagu samato bixin karo, cadaaladna lagu xaqiijin karo.