Xog: R/W Rooble oo xalay daacadnimadiisa uga bad-baaday SHIRQOOL weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ka bad-baaday shirqool weyn oo ay u dhigeen kooxda dhex-dhexaadineysa isaga iyo Farmaajo, sida ay xog cusub ku heshay Caasimada Online 

Waxaa xalay saqdii dhexe ka shifmay heshiis qorsoodi ah oo dhex maray madaxweyne Farmajo iyo guddigii dhex-dhexaadinta ee ay horkacayeen Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Axmed Qoor Qoor, heshiiskaas oo laga qariyey balse Rooble. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, heshiiska ayaa u jeedadiisu ahayd in meesha laga saaro awoodda Ra’iisal Wasaare Rooble, Farmaajo-na loo soo celiyo awooddiisii amni iyo siyaasadeed ee uu horay ugu wareejiyay Rooble, dhanka kalena xubnaha guddigaan loogu abaalmariyey adduun lacageed oo aad u badan iyo dhulka DRYPORT-ga ee ku yaalla ka soo horjeedka Airport-ka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. 

Guddigan ayaa loo diray in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo dhameeyaan saddex qodob oo kala ah:

1. In la magacaabo guddi soo baara kiiska dacwada Ikraan ee loo haysto hay’adda NISA, maxkamaddana laga soo celiyo kiiska dacwada ay u gudbiyeen ehelada Ikraan Tahliil, islamarkaana Rooble uu amray in la baaro.

2. In Farmaajo u magacaabo taliyaha Nabad Sugida xildhibaan Cabdiraxman Dheere oo ah nin ay Farmaajo iyo Fahad aad ugu kalsoon yihiin, laguna aamini karo kiiska Ikraan iyo howlaha kale ee Fahad iyo Farmaajo uga baahan yihiin Hay’adda Nabad Sugida, inta doorashada ka dhiman!

3. In wasiir Cabdullahi Maxamed Nuur laga beddelo waaaarada amniga lana geeyo wasaarada ganacsiga. Sidoo kalena Bashiir Goobe laga dhigo wasiiru Dowle. 

Marka guddigu kasoo dhameeyaan sadexdaan qodob Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagula balamay in loogu badali doono:

1. Aduun lacageed oo aad u badan oo lagu qiyaasay malaayiin dollar.

2. In Madaxweyne Farmaajo u saxiiyo xubnaha guddigaas dhulka weyn ee loo yaqaano DryPort ee ku yaalla waddada jayga ee ka soo horjeeda Airport-ka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dhulkaas ayaa gaaraya 86 boos oo midkiiba uu ku qiimeysan yahay 270-300 kun oo dollar. 

Xubnaha guddigaan ayaa u qaybsanaa labo qaybood oo qoloba shaqo gaar ah u xil saarneyd:

1. Xubnaha u xilsaarnaa in Madaxweyne Farmaajo ay ka soo dhameeyaan lacagta iyo dhulka DryPort-ga waxay kala ahaayeen: 

1- Senator Yusuf Geele Ugaas
2- Senator Cabdi Axmad Dhuxulow
3- Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire
4- Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere
5- Wasiir Galmudug, Aadan Qoryooley.

2. Xubnaha u xilsaarnaa in Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku soo qanciyaan qorshaha Farmaajo waxay kala ahaayeen:

1- Guddoomiye Maxamed Mursal
2- Madaxweyne Axmad Qoorqoor
3- Wasiir Cabdullahi Carab
4- Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, kooxda Farmaajo loo diray ayaa heshiiska soo ogoleysiisay, halka kooxda Rooble loo diray ay aad ugu qanciyeen ra’iisul wasaaraha in haddii aanu heshiiska qaadan uu dalka burburi karo, taasi oo ra’iisul wasaaraha cabsi gelisay, kuna sigtay inuu aqbalo.

Si kastaba, Rooble ayaa daacadnimadiisa ku baxsaday, waxana heshiiskii qarsoodiga ahaa uu ka fashilmay laba dhinac. 

Dhinaca kowaad ee kashifaadu ka timid waxa uu ahaa Farmaajo oo saxiixa dhulka ku xiray in marka hore heshiiska la saxiixo, islamarkaana Cabdiraxmaan Dheere loo magacaabo Taliyaha Nabad Sugidda, kadibna uu dhulka saxiixi doono.

Dhinaca kale, Wasiir Amniga Cabdulahi Maxamed Nur iyo Taliye Bashiir Goobe ayaa si hoose uga war helay heshiiska waxayna Rooble u sheegeen shirqoolka loo dhigay ee lagu iibiyey, ayaga oo si buuxda ugu sheegay inaysan xil kale ka qaadan doonin haddii uu heshiiskan qaato.

Intii aanu Rooble ka jawaabin heshiiska, ayaa isla kooxdii heshiiska kasoo qaaday dhanka Farmaajo, oo garowsan inuusan ku wanaagsaneyn ballanta, waxay ka adkeysteen inuu horumariyo saxiixa dhulka, haddii kalena aanu heshiis dhici doonin.

Farmaajo ayaa isna dhankiisa ka cabsaday in haddii dhulka uu saxiixo, oo uu Rooble diido heshiiska, aanu ka laaban karin, wuxuuna ku adkeystay mowqifkiisa ah in saxiixa heshiiska la horuamriyo. 

Isla kooxdii u heshiisay Rooble, ayaa sidaas isugu dhacay, wuxuuna ra’iisul wasaaraha ka fakaday shriqoolkaas, isagoo aan wax tallaabo ah qaadin.