Fiqi oo hal arrin kula taliyey Rooble kadib fashilkii ku yimid wada-hadallada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in cidda illaa hadda ay wada-hadallada Farmaajo iyo Rooble ka dhaqaaqi laayihiin madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ogolaaday xalkii ay ula tageen guddigii waday waan-waanta, hase yeeshe uu taas bedelkeed uu ka gows adaygay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir Fiqi ayaa kula taliyey Rooble in markale aan waqti lagu sii lumin wada-hadaladaas, oo xal looga gaarayey khilaafka Farmaajo iyo Rooble, oo ku qotomay ceyrintii Fahad Yaasiin, magacaabiistii Bashiir Goobe iyo Kiiska Ikraan Tahliil.

“Waxaa muhiim ah in waqti danbe aan lagu lumin musharax quus ku sii dhow oo raba talada dalka inuu rahmad isaga haysto, RW Rooble waxa la gudboon in waqtigiisa uu siiyo doorashada, Lana bilaabo doorashada golaha shacabka, sanduuquna uu noqdo garsooraha musharixiinta,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku booriyey Ra’iisul Wasaaraha in uu dar-dar geliyo howlaha horyaala oo ay ugu horeyso dhameystirka doorashooyinka, oo qaarkood ay ka billowdeen maamulada dalka.

Si kastaba, sida aan xogta ku helnay, wada-hadalladii xalay dhacay ra’iisul wasaare Rooble wuxuu meel adag ka istaagay laba qodob, halka qodob kalena uu u furnaa inuu aqbalo haddii uu xal iyo heshiis horseedi karo, ayada oo isla qodobka uu ogolaaday uu haddana ka socon waayey dhanka Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ogolaaday in la magacaabo taliye cusub oo NISA ah, oo aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey, balse wuxuu dalbaday inuu noqdo qof la yaqaan oo magac iyo sumcad ku dhex leh Soomaalida oo dhex-dhexaad ah.

Farmaajo ayaa dalbaday in taliyaha laga dhex keeno shaqaalaha NISA ee iminka, taasi oo ra’iisul wasaarah uu diiday, sababo la xiriiro inuu tuhmayo xiriirka ay weli la yihiin agaasimihii hore Fahad Yaasiin, Sidoo kalena taliyaha NISA laga dhigo wasiiru dawlaha wasaaradda gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere, oo saaxiib aad u dhow la ah Fahad Yaasiin, hase yeeshee Rooble ayaa ku gacan seeray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in magacaabista Cabdiraxmaan Dheere ama shaqaalaha kale ee NISA ay ka dhigan tahay baabi’inta baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo uu ku sheegay qad cas oo lama taabtaan ah.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka go’an in wasaaradda amniga iyo xilka taliyaha NISA la geeyo shaqsiyaad uu ku kalsoon yahay, taasi oo ah caqabadda hortaagan in heshiis ay gaaraan labada dhinac.