“Faraha ayaan kala baxnay dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble,” Waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in dhex-dhexaadintii Farmaajo iyo Rooble ay faraha kala baxday, kadib markii ay wadahadalladu ka socon waayeen garabka madaxweyne Farmaajo, waxaana hadda gabi ahaanba burburay rajadii laga qabay in dhinacyadu ay heshiis ka gaaraan khilaafkooda.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in Galmudug ay waqti badan ku bixisay u kala dabqaadida Farmaajo iyo Rooble, isla markaana ay mudadaas ka dayacmeen howlo badan oo maamulka hor yaallay.

Wasiirka ayaa cadeeyey in hadda Galmudug ay faraha kala baxday dhexdhaxaadintii labada masuul, waxuuna garabka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in dhankiisa ay waxba ka socon waayeen.

“Socodsiinta wadahadallada waxaa laf-dhabar u ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiye Maxamed Mursal, isku dayo qaatay in ka badan waqtigii loogu tala galay ayaa lagu bixiyey xal u helidda khilaafkaas, laakiin albaabkaas xalay ayuu soo xirmay, shirarkii iyo dadaaladii socdana xalay ayaa albaabada loo laabay,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Waxuu sheegay in sababta keentay in laga quusto sii socoshaad wadahadallada ay tahay in la waayey haba yaraatee wax isku soo dhawaansho ah, “Si walba oo la isugu dayey waxay isugu soo aruurtay in wax tanasul ah la waayey, xaaladuna waxay aheed mid marba marka ka dambeysa ka sii dareysa,” ayuu yiri.

Sadoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug waxa uu sheegay in hadda madaxweynaha Galmudug uu ka dhex-baxay dhinacyada, isagoo sheegay in maamul goboleedyada kale ay fursad siiyeen hadii ay xalin karaan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

“Waqtigii aan ugu tala galnay iyo juhdigii aan ku binay wadahadalaas waxaa socon waayeen, waxaana cadeyneynaa in ay guul dareysteen dadaaladii aan wadnay,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray, “Howlo badan oo hor yaallay maamulkeena Galmudug waxay u dayacmeen in qaranka Soomaaliya uusan jilbaha dhigan, balse hadda waa naga soo afjarantay howshaas, xalkeedana waan keeni weynay.”

Hoos ka dhageyso wareysiga