Qarax ka dhacay duleedka Kismaayo iyo shacab badan oo ku dhintay (Warbixin)

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas miino kula qaraxday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.

Gaariga oo ahaa nooca Caasiga ah ayaa miinada nooca dhulka ah qabsatay xilli uu marayay degaanka Gaabo-gabdhoole ee ku dhow degaanka Cabdi dhoore ee duleedka magaalada Kismaayo.

Sida ay Caasimada Online u sheegen dad deeganka ah, inta badan dadkii saarna gaariga ayaa ku dhintay qaraxaasi miino, ayada oo kuwa kalena uu soo gaaray dhaawac culus, kuwaasi oo loo qaaday caasimada maamulka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa qaraxa miino ee haleelay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ku eedeeyay inay ka dambeeyay ururka Al-Shabaab, oo ay sheegen inay miinada halkaas ku aaseen.

Ma aha markii u horeysay ee gaari shacab ay miino kula qaraxdo deegaanada u dhow magaalada Kismaayo, ayada oo dabayaaqadii sanadkii dhamaaday ay sidan oo kale gaari ay saarnayeen dad shacab ah miino la kacday, kaasi oo ay ugu yaraan 4 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday gaariga ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Si kastaba, wadooyinkii ku yaala degaanada hoostaga magaalada Kismaayo ayaa inta badan waxay kooxda Al-Shabaab qaraxyo kula eegata Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee AMISOM iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.