QARARX khasaare geystay oo ka dhacay GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay goob maqaaxi ah, waxaana la tilmaamayaa in xiliga Qaraxa uu dhacaayay ay goobta ku sugnaayen Ciidamo iyo dad shacab ah.

Qaraxa ayaa dhacay xili Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Dowlada ay ku howlanaayen saarida Miinada waxaana halkaasi ku dhintay Sargaal iyo Ciidamo la sheegay inay ku howlanaayen saarida Miinada.

Mid kamid ah Saraakiisha Dowlada oo magaciisa ku sheegay Saalim Maxa’ed Cusmaan, ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu galaaftay nolosha Ciidamo iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Dhawaqa Qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga maqlayay guud ahaan Degmada Baardheere.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi howlgalo ka sameeyay Ciidamada dowlada oo gacanta kusoo dhigay ilaa 100 ruux oo looga shakiyay Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com