XOG: Britain oo DF ku heshay kiis fadeexad ah.!!

Muqdisho (Caasimada@live.com) – Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday in ay la socto in DF Somalia ay Carruur u adeegsato askarnimo kadibna ay ku dhamaadan furumaha dagaalka.

Qoraal kasoo baxay Britain ayaa waxaa lagu sheegay in Britain ay heshay kiisas muujinaaya in DF ay qaab qaldan u adeegsato Carruurta, taasina ay hoos u dhac u keeni karto dadaalada ay Somalia kula tacaaleyso helida amni.

Sidoo kale, Britain ayaa tilmaantay in dalkeeda lagu martigalin doono Dowlado ay koow ka tahay Somalia, waxa ayna cadeysay in qoraalo lidi ku ah Askareynta Carruurta Soomaaliyeed ay u hayaan kuna soo bandhigi doonaan shirka.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in Shirkaani ay ka qeybgalaan 23 Waddan oo Qaramada midoobey ugu jirto liiska Carruurta la askareeyo ,waxaana Dowladda Ingiriisku ay Hub ka iibisaa qaar ka mid ah Waddamadan.

DF Somalia ayaa dhowr jeer iska fogeysay tuhunkaani la xiriira askariyeynta Carruurta, waxa ayna taasi fadeexad ku noqotay Dowlada Federaalka oo iyadu aan garaneynin qiimaha ay ku fadhiyaan Carruurta la ciidameeyay.

Ujeedka shirkaani ay marti galineyso Britain ayaa ah in Dowladaha Africa waxbadan ka baraan dhibaatada ay yeelan karto hadii carruur yar yar loo qaato Askarnimo.

Dowladda Ingiriisku waxaa ay dhawaanahan Soomaaliya siisay lacag dhan £6.7m oo Bound oo ay siisay Dowladda Soomaaliya iyada oo ka taagereysa dhinaca Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com