28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

MUQDISHO oo qarax ku waabariisatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaaro dhaawac ah sababay.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu watay Askari ciidamada Dowladda kamid ah, waxaana gaariga markii uu qarxay ku dhaawacmay dad shacab ah oo meesha ka agdhawaa.

Inta la Ogyahay Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay Ilaa 6-ruux oo shacab ahaa, sida ay dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen, waxaana ku jiro dadka dhaawacmay wiil yar.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray, Ciidamada Saldhiga Degmada Kaaraan, waxa ayna halkaasi ka sameeyen Howlgalo dad shacab ah lagu qabqabtay.

Dhanka kale, Magaalada Muqdisho ayaa waayahan waxa ay ka nasatay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Magaalada ka dhici jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News