28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Qarax Khasaaro nafeed geestay oo maanta ka dhacay D/Afmadow

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu maanta ka dhacay Degmada Afmadow ee Gobbolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku geeriyooden 2 Carruur ah kuwaasi oo markii hore dhaawac ahaan lagu geeyay Isbitaalka weyn ee Degmada, balse markii danbe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramaaya in Carruurta ay ku cayaarayeen Miinada muddo un kadibna ay la qaraxday iyaga oo garaacaaya miinada.

Goobjoogayaashu waxa ay intaa ku dareen in carruurtaasi uu Qaraxa ku haleelay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Afmadow.

Carruurta Qaraxa ku geeriyooday ayaa waxaa la sheegayaa inay yihiin da’da u dhexeysa 12 ilaa 13 jir.

Qaraxa miino ee Carruurtaani salfaday ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaanahaani maamulka Degmada Afmadow uu waday dadaalo Miinooyinka looga saarao wadooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News