Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, gaaray Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia kuwaasi oo halkaasi kawada kulamo dib u heshiisiineed.
Wasiiradani ka tirsan Xukuumada ee kulamada ka wada Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Dhalinyarada Spoortiga, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Somalia.
Wasiiradaani ayaa halkaasi kawada isu keenida Odayaasha iyo waxgaradka labo Beelood oo dhawaan uu Dagaalo ku dhexmaray Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.
Dagaalladaasi ka dhacay Galbeedka Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 21ruux oo shacab u badnaa, halka isu geynta dhaawacanaha uu kor u dhaafaayo 32 oo iminka sariir u saaran dhaawacooda.
Sidoo kale, Wasiiradan ka socda Xukuumadda Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Degaanka Ceel-Jaalle ee Bariga Magaalada Baladweyne, halkaasi ay ku sugan yihiin Qoysas badan oo ku barakacay fatahaado uu sameeyay Wabiga Shabelle.
Wasiiradaani ayaa lagu wadaa in Colaadaasi ay ku qaboojiyaan muddo Afar maalin gudaheeda.
Maamulka Hiiraan wali kama hadal dadaalada ay wado Xukuumada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

