Xog: Xiliga la qaadi doono kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo sanadii 2014 ay DF dacwad ka dhan ah Dowlada Kenya u gudbisay Maxkamada Caalmiga QM ee fadhigeedu yahay Netherlands, ayaa waxaa soo baxaaya xogo sheegaya in dhawaan ay Maxkamadu u fadhiisan doonto qaadista dacwadaasi ee la xiriirta Biyaha Somalia.

Maxkamada ayaa iminka shaaca ka qaaday in dacwada muranka Biyaha Somalia ee Kenya iyo Somalia furmi doonto Bisha September ee sanadkan.

Maxkamada ayaa sheegtay in Bisha September ee fooda nagu soo heyso ay bilaabi doonto dacwada Bada, waxa ayna qoraalkeeda ku cadeysay in dacwadaasi ay u dhici doonto si cadaalad ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in Dacwadaasi ay dhicayo badan ka eegtay islamarkaana ay xukminteeda ku qeexi doonto sharciyada ku xeeraan kiiska dacwadaha.

Dowlada Kenya oo ka didsan Dacwada loo gudbiyay Maxkamada ayaa goor sii horeysay sheegtay in Kiiska dacwadaani uusan khuseyn Maxkamada, balse loo baahan yahay inay kawada hadlaan Dowlada Somalia.

Dowlada Somalia oo iyana sheegtay in Kenya ay xoog ku heysato dhul badeed ay leedahay oo dhan 100 kun oo kilomitir oo wareeg ah aysan awood u laheyn inay ka gasho gorgortan.

DF waxay ku doodaysaa in xal diblomaasiyadeed lagu guul dareystay sidaasi darteedna ay ku qanacsan tahay kaliya go’aanka maxkamad.

Ma cadda qaabka ay Maxkamada u qaadi doonto dacwadaani, waxaana suuragal ah in Dowlada Kenya aysan wafdi u dirin Maxkamada si loo laalo dacwada furan.

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/05/19014.pdf” width=”1180″ height=”1600″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com