Qaraxyo culus oo maanta laga maqlay Aadan Yabaal iyo wararkii ugu dambeeyay

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in uu haatan ka socdo howlgalkii ugu dambeeyay oo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay kula wareegayaan degmada Aadan Yabaal ee isla gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmadan oo ay sanado badan ku sugnaayeen, waxaana haatan isku hareereeyay ciidamada huwanta, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyo culus ay ka dhaceen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo ka dhashay ‘miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen’ waddooyinka laga soo galo degmada iyo sidoo kale xarumaha muhiimka ah.

Sidoo kale waxaa degmadan isaga barakacay shacabkii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta howlgalkan oo ay barbar socoto duqeyn xoogan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay shaaciyeen in saaacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan degmadaasi.

“Ciidamada dowladda ayaa harreeyay degmada Aadan Yabaal, miino baaris ayaana haatan socota. Al-Shabaab xaasaskoodii iyo carruurtoodii waa kala baxeen Aadan Yabaal,” ayuu yiri Labo Xidigle Abshir Wadani oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi.