QM oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdii ugu xumeyd

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Hay’adda gargaarka OCHA ee Qaramada Midoobay ayaa ka deyrisay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, waxaana ay shaacisay in haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdii ugu xumeyd ee dhanka bani’aadanimada.

OCHA ayaa sheegtay inay yaraadeen maal-gelintii dhanka gargaarka ee Samafalka, taasina ay uga sii dartay xaaladda adag ee ay haatan wajaheyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in aysan bartamaha sanadkan hay’adaha samafalka dabooli Karin baahiyaha aas aasiga ah ee ku dhowaad ka labar dadka Soomaaliyeed.

“In kasta oo celcelis ahaan 1.52 milyan oo qof ay heleen gargaar cunno bil kasta laga bilaabo Maarso ilaa May, haddana heerarka hadda jira iyo kuwa la filayo ee kaalmada cuntada kuma filna in laga hortago dhibaatooyinka meelo badan ka jira,”ayay tiri OCHA.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in hoos u dhaca ugu weyn ee haatan la dareemayao ay tahay cunno yarida oo dhibaato ku heyso dadka Soomaalida.

Warbixinta hay’adda gargaarka OCHA ayaa sidoo kale lagu sheegay in sannadkan, dad lagu qiyaasay 5.9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo, kuwaas oo 2.9 milyan oo qof ay ka barakaceen guryahooda, kadib duruufo adag oo soo wajahay.

Ugu dambeyn warbixinta ayaa lagu sheegay in xaaladaha bani’aadanimo ee Soomaaliya ay uga sii dareen cimilada xumaatay, abaaro, daadad iyo saameynta cudurla Covid-19.

Qeylo dhaantan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo ay Soomaaliya haatan ku jirto marxalad kala guur ah, isla-markaana la’aadayo doorashada baarlamaanka & tan madaxweynaha.