QM oo soo fara-gelisay kiiska dilkii LUUL CABDICASIIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay oo soo fara-gelisay kiiska Luul Cabdicasiis ayaa markii ugu horreysay falka argagaxa leh ee lagula kacay marxuumadda.

Ugu horreyn qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday dowladda ee lagu soo qabtay eedeysanaha oo ah Sayd Cali Macallin Daa’uud, kaas oo sidoo kale ah seyga Luul Cabdicasiis Maxamed.

QM ayaa usoo jeedisay dowladda federaalka inay baaris dhab ah ku sameyso kiiskan oo ay ku tilmaamay inuu yahay mid ka baxsan bani’aadanimada

“UN-ku waxay soo dhoweynayaan sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay baaraan oo ay maxkamadeeyaan xad-gudubyada ku saleysan jinsiga,” ayaa lagu yiri qoraalka QM.

Sidoo kale waxaa lagu boggaadiyay dowladda Soomaaliya inay sii wado la xisaabtanka kuwa gaysta dhammaan dambiyada ku saleysan jinsiga.

Waxaa kale oo qoraalkan tacsi tiiraanyo leh loogu diray ehellada Luul Cabdicasiis Maxamed oo weli dalbanaya in lala dadajiyo maxkamadeynta eedeysanaha gacanta lagu soo dhigay.

Allaha u naxariistee, Luul ayaa Jimcihii ku geeriyootay Muqdisho kadib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dabka la sheegay inuu qabad siiyay ninkii qabay ee maanta lasoo qabtay.

Luul Cabdicasiis ayaa sidoo kale ka mid ahayd shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay, iyada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Sayd Cali iyo Luul ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, ayaga oo qoyska uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.