QM oo war ka soo saartay khilaafka DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo warbixin dheer siinayey Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kadib ‘khilaaf iyo mad-madow soo kala dhex-galay’ labada dhinac.

Amb. James Swan ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in ay wada shaqeyn dhow yeeshaan dowladda cusub iyo sidoo kale dowlad goboleedyada ka jira dalka, si looga gudbo caqabadaha haatan jira oo ay ugu horreeyaan howlgallada Al-Shabaab iyo abaaraha dalka.

“Si fursadan looga faa’ideysto, mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada waa in ay si dhow isula shaqeeyaan si loo gaaro yoolalka dowladda cusub, oo ay ku jiraan ka hortago Al-Shabaab, iyo ka jawaabidda degdegga ah ee dhibaatooyinka bini’aadanimo ee sii xumaanaya,” ayuu warbixintiisa ku yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in dhinacyadu ay meel iska dhigaan arrimaha gaarka ah, kadibna ay iska kaashadaan sidii loogu gudbi lahaa xaaladda taagan.

Waxa kale oo uu ugu baaqay inay hadda xoogooda iyo dadaalkooda isugu geeyaan sidii loo samata la bixi dadka ay saameeyeen abaaraha ba’ahan ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

“Waxaan ku celinayaa baahida loo qabo in dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ay si dhow isaga kaashadaan ka hortagga al-Shabaab, iyadoo ay hagayaan ballan-qaadyada xuquuqda aadanaha ee heer gobol iyo heer caalami ee Soomaaliya,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan ay jirto xurguf siyaasadeed oo u dhexeyso dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, kuwaas oo kala shaki iyo mad- madow soo kala dhex-galay, kadib soo dhisidii xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.