Qodobadii ay ku doodeen Fahad iyo guddiga FEIT ee dacwaddii maanta billaabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta billowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA, ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kadib markii ay waxba kama jiraan ku sheegeen natiijada kursi HOP86 oo horey uu ugu guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne, waxaa se doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare.

Siday wax u dhaceen maanta

Fadhiga maxkamadda oo uu gudoominayay gudoomiyaha maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa bilowgiiba lagu furay dacwad u dhaxaysa qareenka u doodaya Fahad Yaasiin iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo diidan dacwadda ka dhanka ah Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Dhegeysiga dacwadda oo socotay in ka badan hal saac ayaa la soo xiray, inkastoo aan la shaacin xilliga ay maxkamaddu soo saari doonto go’aankeeda.

Doodda Maxkamadda oo qaybteedii hore la soo gabagabeeyay ayaa xafiiska Garyaqaanka Guud oo difaacaya Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxay qareennadiisu codsadeen in Maxkamaddu ay diido qaadista dacwaddan, maadaama heshiiskii 17 kii September yo heshiisyadii ka dambeeyayba ay ku cadeyd habraacyada lagu maamulayo doorashada, laguna xallinayo haddii murano ay ka yimaadaan.

Fahad Yaasin ayaa guddiga doorashooyinka FEIT ku eedeeyay in si sharci darro ah ay u celiyeen kursiga tiirsigiisu yahay 86 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Haddaba, waxaan halkan idin kula wadaageynaa nuxurka qodobadii ugu muhimsanaa ee looga dooday maxkamadda maanta:

Awoodda maxkmadda

Waxaa jirtay hadal hayn ku aadanayd in maxkmadda sare ay wood u leedahay dhageysiga dacwaddan iyo in kale. Qareennada ka socday xafiiska garyqaanka Guud ee dowladda ayaa ku dooday inuu jiro habraac cad oo ku aadan xallinta khilafaadka doorashada sida ku cad heshiiskii 17 September ee ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka.

Wuxuu sheegay inuu jiro guddi khilaafaad loo cawdo iyadoo ugu dambeyntana ay madasaha qaranka dib u eegis ku sameyn karaan go’aannada guddiga khilaafaadka. Hase yeeshee qareenka matalayay Fahad Yaasiin, abuukaate Sakariye Ismaaciil Nuur, ayaa ku dooday inaysan jirin “awood ka sareysa garsoorka oo ka gar-naqi karta khilaaf noocuu doono ha ahaadee.”

Wuxuu xasuusiyay qareennada matalayay guddiga inay ahayd inay maxkamadda keenaan dalab is hortaag ka hor inta aan la guda galin gudbinta jawaabaha dacawadda uu soo gudbistay Fahad.

Habraacii mala maray

Qareenkii matalayay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dooday in kursiga HOP086 la hakiyay ka hor inta aan la qabanin doorashada sidaas darteedna qabashada doorashada uu ku soo baxay Fahad ay ahayd mid sharci darro ah. Qareenka Fahad ayaa dhinaca kale ku dooday in guddiga khilaafaadka ay fasaxeen kursiga isla markaana xubna ka socdo guddiga heer Federaal ay goobjoog ka ahaayeen qabsoomidda doorashada kursigaasi.

“FEIT ma laali kartaa natiijo doorasho”

Qareenka Fahad, Sakariye ayaa ku dooday in habraacyada aysan ku jirin in guddi heer Federaal uu ka gar-naqi karo cabashooyin la xiriira dacwad doorasho. Wuxuu sido kale sheegay in guddigu uusan “hakin karin ama laaali karin natiijo doorasho ama mid la shaaciyay.”

Qareenka matalayay guddiga doorashada, garyaqaan Muuse Axmed Ciise ayaa hase yeeshee sheegay in guddiga heer Federal uu “leeyahay door kormeer iyo dabagal oo micnaheedu yahay nuu sixi karo wixii khadlan”

Muxuu Fahad ugu dacwoon waayay guddiga khilaafadka?

Qareennada guddiga doorashada ayaa ku eedeeyay Fahad inuu baalmaray nidaamkii loo dajiyay xallinta khilaafaadka doorashada, kadib markii uu ku guuldarreystay inuu dacwad u gudbiyo guddiga loogu talogalay xallinta khilaafaadka.

Qareenka Fahad, Sakariye Ismaaciil Nuur, oo sharraxayay sababta uu guddiga khilaafaadka ugu dacwoon waayay Fahad ayaa sheegay in guddiga ay mar horeba go’aan ka so saareen oo ay fasaxeen qabashada kursiga, kadib markii uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka soo saaray warqad uu ku hakinayay doorasahda kursiga HOP086 horrantii bishii Febraayo.

Xigasho: BBC Somali