Qodobo dhowr ah oo sare u qaaday rajada dib u doorashada Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Fursadda dib u doorashadsa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn kor ugu soo kacday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Waxaa la fahamsan yahay in arrimo badan oo is biirsaday ay si weyn u caawinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Taariikhda dowladeed ee Soomaaliya ayaa sanado badan diidaneyd in dib loo soo doorto Madaxweyne hore. Laakiin sanadkaan waxaa loo arkaa inay macquul tahay in taariikhdaas la inkiro.

Seddax Madaxweyne oo hore ayaa ka qeyb geleysa doorashada dhaceysa 15-ka bishaan May, kuwaas oo kala ah, Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Qormadaan waxaan ku eegeynaa sababaha Xasan Sheekh u sahlaya inuu noqdo Madaxweynihii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo xukunka loo doorto mar labaad.

1 – Fahamkiisa dowliga ah

Xasan Sheekh waxaa loo arkaa ninka ugu dowlad yaqaansan madaxdii dalka soo martay burburkii kadib, 3-dii dowladood ee ugu dambeysay Xasan Sheekh wuxuu heystaa rikoor ka wanaagsan kan madaxda kale.

Hey’adaha dowliga ah ee Xasan Sheekh uu dib u soo dhisay, safaaradaha uu dib u furay, sharciga uu u sameeyey shaqaalaha rayidka ah, hanaanka maaliyadeed ee uu abuuray, miisaaniyadda uu dalka u sameeyey, dhismaha maamul goboleedyada, ururrada caalamiga ah ee Soomaaliya uu dib ugu celiyey iyo qeynuunka uu u jeexay siyaasadda arrimaha dibadda ayaa Xasan Sheekh uga marqaati furtay inuu heysto faham aysan heysan madaxdii kale ee la tijaabiyey.

Dowladii ka horeysay waa hir geli weysay howlahaan, tii ka dambeysana wax badan kuma biirin, waxaana arrintaan loo sababeeyey in Xasan uu leeyahay faham dowli ah oo ka xoog badan kan madaxdii dalka soo martay burburkii kadib.

Marxalada ay maanta Soomaaliya joogto waxaa kabi kara qof heysta faham dowli ah oo xooggan, qof uu liito hafamkiisa dowladnimada casriga ah, ma dhaqaaji karo Soomaaliya, ayey ku doodayaan xildhibaanadu.

2 – Luuqadda diblimaasiyadda

Xasan Sheekh sababta uu u dhisay xiriir caalami ah oo balaaran oo safaarado badan uu dib ugu furay, reer Galbeedkana uu ugu guuleystay inay Xalane soo degaan waxaa loo arkaa inay sareyso luuqadiisa diblomaasiyadda.

Soomaaliya waa dal sabool ah oo u baahan gacan caalami ah, hadii aysan helin hoggaamiye fahamsan luuqada diblomaasiyadda oo caalamka soo jiida kara waa adagtahay inay gaarto halka ay ku taameyso.

Inta badan dadka Soomaaliyeed dood kama qabaan in Xasan Sheekh uu luuqada iyo fahamka diblomaasiyadda uga fiican yahay madaxdii kale ee dalka soo martay.

3 – Kooxda la joogta

Madaxda qaar waxaa lagu eedeeyaa in ayagoo ay aqoontooda dowladnimadu liidato aysan hadana heysan dad xirfad u leh inay dhisaan Soomaaliya cusun oo dunidu fahmi karto, qorsheheeduna dowladnimadii la yaqaanay uu waafaqsan yahay.

Hase yeeshee Madaxweyne Xasan Sheekh markii laga tago miisaankiisa shakhsiga ah, aqoonta dowladeed ee lagu tuhmaayo iyo diiwaankiisa wanaagsan, waxaa hadana hareer taagan siyaasiyiin loo yaqaano inay leeyihiin aqoonta in dalkaan loo dhiso hanaan dowladeed oo casri ah.

Madaxda qaar ayaga iyo xubnaha la jooga oo aan aqoon iyo faham dowladeed midna laheyn ayaa sabab u noqota in laga kala cararo, si dalka iyo dowladnimada aan loola deign.

Arrimahaan oo markii la uruuriyo isagu imaanaya dowlad yaqaanimo ayaa Xasan Sheekh ka dhigaya ninka heysta fursadda ugu wanaagsan ee Madaxweyne hore dib loogu dooran karo, mar labaad.

Waa dood culus in xildhibaanadu ay dadka qaar shaki gelinayaan fahamkooda dowliga ah iyo inay dhisi karaan Soomaaliya la fal-geli karta loolanka ka socda adduunka.