Qoor-Qoor oo sheegay inuu ka tanaasulayo darajada madaxweyne-nimada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo kamid ahaa madaxda ka qeyb gashay shirweynaha Garoowe, ayaa waxa xalay madasha lagu weydiiyay su’aalo la xiriira nidaamka federaalka.

Qoor-Qoor oo ay garab fadhiyaan madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in meesha laga saaro odhaahda “Madaxweyne” ee loogu yeero madaxda dowlad goboleedyada, si meesha uga baxdo madaxweynaasha badan ee Soomaaliya.

“Aniga waxaan aaminsanahay in laga tanaasulo ereyga “Madaxweyne” iyadoo la dhowrayo sharafta dowladda oo Soomaalida uma qalanto dhowr madaxweyne, taas oo wiiqeysaa qabkeenii iyo dowladnimadeena,” ayuu yiri.

“Waxaan qabaa in madaxweynuhu uu hal noqdo kuwa kalena magac kale loo raadiyo, kaasi oo wada-tashi ku imanaya.”

Qoor-Qoor ayaa tusaale u soo qaatay safar uu dalka dibadiisa ugu baxay, iyada oo madaxdii dalkaas u qaateen in madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ugu tagayo, taasi oo ay keentay wax uu ku sheegay “isgarab yaaca dalka ka jira.”

“Dal ayaan booqday, oo waxaa loo sheegay inuu madaxweynaha Galmudug imaanayo, laakin waxay u qaateen in madaxweynaha Soomaaliya uu imaanayo, markaan tagay ka dib ayaan u sheegay oo aan ku iri arrintu sidaa ma ahan, marka isgarab yaac iyo madaxweyneyaal badan dan nooma ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay inaysan Soomaaliya dan ugu jirin madaxweynayaal badan, isla markaana loo baahan yahay in arrinkaas wax laga bedelo iyada oo dib u sixid lagu sameynayo dastuurka dalka.

“Hadda tan dastuurka ayay ku qorantahay laakin waxaan qabaa in dib loogu noqdo oo wax laga baddelo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ee Soomaaliya ayaa xiligan waxaa loogu yeera madaxweynayaal, taasi oo dad badan su’aal ka keenen sida madaxweyne loo dhihi karo qof gobol xukuma, inkasta oo uu jideynayo Dastuurka dalka ee KMG ah.