Al-Shabaab oo war ka soo saartay is-miidaamin ka dhacday duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ay la beegsadeen saraakiil Turki ah & ciidamo.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay sarkaal Turki ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Haramcad, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday saraakiil Turki ah oo ku sugnaa nawaaxiga Lafoole, dhimashu waa sarkaal Turki ah iyo dhaawac soo gaaray laba kale halka laba askari oo katirsan kooxda Ridada ay ku dhinteen camaliyadda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay kooxda Al Shabaab, laguna baahiyey baraha bulshad Internet-ka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laaamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore qaraxyo khasaare geystay la beegsaday Injineerada iyo shaqaalaha dhismaha ka wada jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.