Qoor Qoor oo soo saaray dalab culus kadib guushii xulka Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa codsaday in sanadka dambe ee 2025 uu maamulkiisa marti-geliyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

“Hambalyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa,” ayuu Qoor-Qoor ku yiri qoraal kooban oo uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu qoraalka ku yiri “Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.”

Xulka Galmudug ayaa shalay galab guul ka gaaray dhiggiisa HirShabelle ciyaar la’isla gaaray gool kullaad, taas oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka.

Si kastaba, guusha Galmudug ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee ay qaado koobka ciyaaraha maamullada dalka, oo sanadkaan ay ka maqnaayeen Puntland iyo SSC-Khaatumo, halka Koonfur Galbeed ay caro uga baxday tartanka.