Horjooge ajnabi ahaa oo duqeyn looga dilay Shabab iyo dalka uu kasoo jeedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqeyn culus oo iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Jeex-jeexa ayaa lagu dilay horjooge ajnabi ah oo kamid ahaa madaxda ajaanibta ah ee kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaan ayaa u dhacay sidii loogu talo galay, ayada oo taliska ciidanka xoogga dalka uu sheegay in lagu guuleystay, islamarkaana lagu dilay horjaagaha ajnabiga ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Lubnaan.

“Howl-galkan guulaystay ayaa waxaa lagu dilay horjooge ajaanib ah oo la sheegay inuu ka soo jeedo dalka Lubnan kaasi oo Khawaarijta arxanka daran u qaabilsanaa tashkiilinta dhalinyarada ay doonayaan ineey qaldaan, si ay ugu shubaan dabka iyo qaxarka ay ku jiraan ee gobolada Mudug iyo Gal-guduud,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalmka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ee ay ka fulinayaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab, oo ayadu bilihii dambe wajaheysa guluf xooggan oo ka dhan ah.

Si kastaba, duqeyntaan ayaa noqoneysa middii afaraad oo muddo ka yar laba asbuuc gudahood lala beegsado goobo kala duwan oo ay ku sugnayeen madax iyo dagaal-yahaano kooxda Al-Shabaab ka tirsan.